U bood dhigaalka

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Gaaray Deegaankii Dhowaan Beeluhu ay Ku Dagaalameen

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud, kuwaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaala ah oo wadaag ahaa.

Madaxweyne Qoor qoor oo gogol nabadeed u faray beelihii halkaas ay dirirtu ku dhex martay ayaa la kulmay odayaasha iyo wax garadka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo dhaqanka labada beelood ee gogosha isugu yimid ayaa isku raacay saddex qodob oo kala ah:

1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalena lala shaqeeyo ciidammada amniga.

2: In la kala qaado maleeshiyaadka.

3: In dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay.

Colaaddii dhowaan ka dhacday deegaanka laandheer oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo xeraale ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 70 ruux, balse hadda waxaa socda waam waan nabadeed iyo wada hadal.