U bood dhigaalka

Haweeney Jaamacad Ka Qalin Jabisay Iydoo 105 Sano Jir ah

Sheeko:Waxbarashada

Waxaa dunida hadal-hayn ka dhalisay qalin-jabinta Haweenay 105 jir ah oo lagu magacaabo “Ginger Hislop”, taasoo ka qalinjabisay jaamacadda caanka ah ee Stanford university ee dalka Mareykanka.

Verginia Hislop oo haysata shahaadada mastarka ayaa markii ugu horreysay jaamacadda ku biirtay sanadkii 1936, qorshaheeduna waxa uu ahaa in ay hesho shahaadada koowaad ee waxbarashada, taas oo ay samaysay 1940-kii, waxayna fursad u heshay inay diyaariso shahaadada labaad ee master-ka, taas oo ay si toos ah u bilowday.

wax yar ka dib markii ay dhammaysay heerka labaad ee waxbarashad ka hor intaanay u gudbin qoridda buugeedii qalin-jabinta ayay is guursadeen saygeeda George Hislop, oo xilligaas 41 jir ahaa, taas oo keentay inay waxbarashadii habsan ka noqato maadaama ay xaas noqatay, dagaalkii labaad ee dunidu uu socday.

Hadda oo ah 83 sano ka dib markii ay ka tagtay jaamacadda ayay ka qalin-jabisay jaamacadda Stanford oo ay ka dhammaysatay heerka labaad ee master-ka, waxayna sheekadeedu qabsatay warbaahinta dunida.