U bood dhigaalka

Laba Magaalo oo Kamid ah Khaatumo oo Markii Ugu Horreysay Looga Fadhiisanaayo Imtixaanka Qaranka

Sheeko:Waxbarashada

33 sano kadib waa markii ugu horreysay oo Diyaarad Wada Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka ka degto Magaalada Laascaanood.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarad sidday imtixaanka shahaadiga ah ee Qaranka ka dejisey Laascaanood.

Wafdi ka socday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa galbinaysay imtixaanka dowladda.

Imtixaanka ayaa lagu gali doonnaa magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood.

Ardayda deegaannada SSC-Khaatumo ayaa si toos ah ugu fadhiisanaya imtixaanka Qaranka si lamid ah maamullada kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u aqoonsatay maamul KMG ah deegaanada SCC khaatumo.