U bood dhigaalka

37-kun oo Ardey oo Maanta u Fariisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga sare

Sheeko:Waxbarashada

Ardayda Dugsiyada sare ee dalka ayaa saaka u fariisanaya Imtixaanka shahaadiga ah oo ay qabanayso Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Soomaliya, kaas oo sanad waliba wasaaraddu qaado.

In ka badan 37-kun oo arday ayaa galaysa Imtixaanka, oo ka bilaabanaya xarumo ku yaalla Muqdisho, Galmudug, Koofur Galbeed, SCC Khaatumo, Hirshabeelle iyo Jubbaland, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland.

Goobaha lagu gelayo Imtixaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxeyna dowladda sheegtay in ay u diyaarisay ku dhawaad 2,000 askari oo ilaalinaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo saartay digniino kala duwan oo ku saabsan ilaalinta anshax Imtixaanka iyo hanaanka saxda ah iyadoo sanadkaan Imtixaanka laga ilaaliyay in uu banaanka u baxo.