U bood dhigaalka

Deegaannada SSC Khaatumo oo 33 Sano Kadib Looga Fariistay Imtixaanka Shahaadiga ee Dowladda Federalka

Sheeko:Waxbarashada

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo iyo Masuuliyiinka kale ayaa 33 sano ka dib magaalada Laascaanood ka daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee ay qaadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Dr Maxamed Cabdi Shiine, ayaa daahfurka Imtixaankan ku tilmaamay taariikhi ah oo deegaanadaas oo ay ku dhowaad 20 sano Soomaaliland maamulaysay hormar ah.

In ka badan 1,154 arday oo kala socda 17 Dugsi oo ku yaala SSC-Khaatumo ayaa Imtixaanka galaya, waxaana deegaanadaas ku sugan saraakiil ka socota Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kor joogtaynaya habka uu imtixaanku socdo.

Tillaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliland oo gobolka horay uga arrimin jirtay isla maanta laga daahfuray Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8-aadka iyo kan 12-aad, balse sool,ceyn, iyo Sanaag qeybo kamida ardayda joogtaahi ay galayaan imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada ee dowladda federaalka Soomaaliya.