U bood dhigaalka

Laba Ruux oo Ku Dhimatay Shil Gaari oo Ka Dhacay Gobolka Duleedka Magaalada Sheekh

Wararka ka imaanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Laba qof oo midkood uu ahaa cayaartow caan ah ayaa ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada sheekh.

Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa cabshakuur Boqolle oo ka tirsanaa kooxda cayaaraha magaalada Hargeysa ee lagu magacaabo kooxda maaliyadda,iyo wiil kale oo asna magiciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Yaasiin, kaas oo maamule ka ahaa garoomo kubadda lagu cayaaro oo Soomaaliland ku yaalla.

Sababta shilkan gaari keentay illaa hadda lama caddayn, sidoo kale lama xaqiijij inay jiraan dhaawacyo ka dhashay, balse wadada u dhexaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ayaa ah mid ay shilal aad uga dhacaan, ayadoo la xusuusan yahay in jidkan mara buuraleyda halista badani uu galaaftay dad badan oo halkaa ku safrayay.