U bood dhigaalka

Nairobi: Soomaaliya oo Dalalka Kula Jira EAC Kala Arrinsatay Tubaha Wadashaqeynta

Dowladda Soomaaliya ayaa qabatay shir wadatashi ah oo dhawr maalmood socday, kaas oo ku saabsanaa khariidadda tubta, kaas oo lagu arki doono qaab dhismeedkeeda sharci oo la waafajinayo kuwa bulshada Bariga Afrika (EAC) si ay awood ugu yeelato inay ka faa’iideysato urur goboleedka. 

Kulanka oo socday muddo hal toddobaad ah, ayna ka soo qayb-galeen wufuud dawladeed oo ka socday dalalka bah wadaagta la ah ee EAC, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo samayn lahaa khariidad dhammaystiran oo ku aaddan ka mid noqoshada Soomaaliya ee EAC, taasoo astaan u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca xoojinta iskaashiga gobolka iyo is-dhexgalka dhaqaalaha.

Shirkii ka dhacay magaalada Nairobi 17-kii ilaa 20-kii bishii June oo uu shir guddoominayay ku-xigeenka xog-hayaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Bariga Afrika ee Koonfurta Suudaan, Beny Gideon Mabor, ayaa Soomaaliya loo mariyay afarta tiir ee sharciga EAC, si ay awood ugu yeelato inay waafajiso dastuurkeeda.

Waxaana kamid ah waxyaabaha muhiimka ah ee xag dhaqaale ahaan laga wada shaqayn doono, islamarkaana shuruucda diiradda lagu saari doono 4 tiir oo kala ah Midowga Kastamada, Suuqa Guud, Ururka Lacagta iyo Xiriirka Siyaasadeed. 

 Dhankeeda, Soomaaliya waxay dejisay khariidad-hawleed loo marayo is-dhexgalka EAC Wafdiga Soomaaliya waxaa hogaaminayay Dr Abdusalam H Omer oo ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan EAC.

Soomaaliya oo dhowaan kamid noqatay Ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada bariga Afrika ayaa weli ku howlan buuxinta hannaanka kamid noqashada ururkaas, gaar ahaan hab-dhismeedka dhaqaalaha iyo sharciga.