U bood dhigaalka

BOGAADIN GOGOL- NABADEED BAAQ & MAHAD-CELIN

( إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ) سورة الحجرات

Waxaan bogaadinayaa Dowladda Galmudug oo gogol nabadeed u fidisay beelihii Cabdudwaaq iyo Xeraaale  ee dhawaan ku dagaalamay waqooyiga Galgaduud .

Waxan u mahadcelinayaa Hogaanka  Galmudug  ee Xiligiisu Dhamaaday oo Gogashaan Dhigay  Dhuusamareeb, sidoo kale waxaan mahad ballaaran ujeedinayaa  culimadii , waxgaradkii , odoyaashii ,siyaasiyiin  deegaanka ah oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro heer Federaal iyo heer Galmdug  oo howshani suurtagaliyay in xal-nabadeed lag xaliyo ,masuuliyiintaas oo  waqti iyo dadaal dheeraad ah galiyay joojinta dhiiga walaalaha reer Galmudug .

Waxaan si gaar ah mahad ballaaran u jeedinayaa taliyiaha Ciidanka Booliska  Federalka qaybtiisa Galmudug Khaliif Cabdulle Maalin  iyo Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Qaranka (NISA) qaybtiisa Galmudug Faysal Ibraahim Caanood  oo xilwayn iska saaray illaahay kasokow sababna u ahaa joojinta colaadaas.

Waxaa sidoo kale BAAQ NABADEED u dirayaa beelaha walaalaha ah ee Galdogob iyo Bandiiradleey ee dirirta dhaxmertay , beelahan oo dhaqan, dhalyo iyo darisba wadaaga waxaan leeyahay dagaalka shuruud la’aan hala joojiya oo xal nabadeedna halagu xaliya colaada

Maamulada Puntland iyo Galmudug , culimada , isimada , cuqaasha  iyo siyaasiyiinta labada deegaan  iney ka wada qayb-qaataan joojinta colaada iyo dhiiga walaaalaha daadanaya.

Dagaal beeleedyada waxay ay shaki la’aan fursad siinayaan cadawga ummadda Soomaaliyeed oo ah  Argagaxisada arxanka daran Al-Shabaab, sidaa darteed dhiiga walaalaha muslimiinta ah ee dhaqan iyo dhalyaba wadaaga nabad iyo xal waaro laga gaara.