U bood dhigaalka

Dagaal beeleed Ka Socda Galbeedka Gobolka Mudug iyo Faahfaahinno Laga Helayo

Dagaal beeleed xooggan ayaa saaka mar kale deegaanka Saaxa-qurun ee galbeedka Gobolka Mudug ka qarxay kaasoo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka ah, waxaana fashilmay isku day dadaal nabadeed oo socday.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib is maandhaaf ka dhashay ceel biyood, sida la sheegay ay mid ka mid ah labadaasi beelood ka hirgelineysay duleedka deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsadayo.

Labada maleeshiyo ee dagaalka uu u dhaxeeyo ayaa ka soo kala jeeda koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo Degmada Galdogob.

Ma jirto cid illaa iyo hadda kala dhex gashay maleeshiyadaasi, balse odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga wada shaqeeyo.

Colaadda beelahan deriska ah ayaa ku soo noqnoqotay gobolka, iyaga oo ka dhaxlay dib-u-dhac, amni darro iyo in dhiig badani oo dhexdooda ah ay iska daadiyaan.

Dhowrkii sano ee ugu dambeysay beelahan ayaa nabad iyo iskaashi dhinaca horumarka ah ku wada joogay gobolka, ka dib heshiis nabadeed oo sanadkii 2020 ay ku gaareen Degmada Bandiiradley.