U bood dhigaalka

Sacuudiga oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay in ay Deg deg ah Uga Baxaan Lubnaan

Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Lubnaan inay si deg deg ah uga baxaan dalkaas, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda gobolka, taas oo laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhici karo u dhaxeeya Xisbullah iyo Israel.

Warbixin ay soo saartay Al-Carabiya, ayay dawladda Sucuudigu ku celisay talobixinteedii hore, iyadoo ku boorisay dhammaan muwaadiniinta Sucuudigu inay u hoggaansamaan xayiraadda socdaalka ee Lubnaan.

Sidoo kale, Jarmalku waxa uu sidoo kale ka codsaday muwaadiniintiisa in ay isaga baxaan Lubnaan iyada oo aan dib loo dhigin, halka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Holland ay ku boorisay muwaadiniinteeda inay dalka ka baxaan.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisadda gobolka iyo cabsida sii kordheysa ee laga qabo in Israa’iil ay dagaal ka dhan ah Xisbullah ka bilowdo Lubnaan, kaddib dagaalkii Israa’iil ee Gaza lagu dilay in ka badan 38,271 Falastiiniyiin ah oo u badnaa haween iyo carruur.

Maalin kasta rasaas la isweydaarsado ayaa ka dhacda xuduudka Lubnaan tan iyo markii dagaalyahannada Xamaas ay bilaabeen weerar ka dhan ah Israa’iil 7-dii Oktoobar, oo dagaal ka dhaliyay Gaza.

Xaalada koonfurta Lubnaan ayaa ka sii dartay bishan kadib markii duqeyn cirka ah oo Israel ay ku dishay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Xisbullah.

Ururka Xisbullah oo ka aargoosanaya ayaa boqolaal gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacay goobaha Israa’iil.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa ku hanjabay weerar militari oo ay ku qaadi doonaan Lubnaan, haddii aan wadahadal lagu dhameyn, si Xisbullah looga saaro xadka.