U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday in ay Bilowday Qaadashada 3,000 oo Macalimiin Cusub ah

Sheeko:Waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee JFS ayaa sheegtay in markale ay qaadanayso macalimiin cusub, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 3,000 oo macalimiin si loo xaliyo baahida waxbarasho ee ubadka Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa bulshada la wadaagtay qorshaha dowladdu ku qaadanayso macalimiinta cusub.

Macalimiintaan ayaa imtixaankooda loo qaadi doonnaa si hufan haddana uu bilowday soo xareyshada shahaadooyinka.

Wasaaradda ayaa sanadkii lasoo dhaafay qaadatay Saddex kun oo macalin.

Wasaaradda ayaa dhowaan soo gabagabeysay qaadashada macalimiinta, oo howlgalay bishii Setember ee sanadkii lasoo dhaafay , tirada macalimiinta ayaa hadda gaareysa 6,000 oo macalimiin oo qeyb ka ah 10,000 oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku dhawaaqay in la qaadan doono.

Macalimiinta dowladdu ay qaadaneyso ayaa waxaa ay ka kala imaanayaan gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada, waxaana ay marayaan imtixaan lagu kala saarayo, markaas kadib ayaa waxaa u furmaya tababar soconaya muddo sedex bilood oo aqoon kororsi lagu qaadanyo.