U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug oo Gacanta Ku Dhigay Khamri Badan Kadib Howlgal La Sameeyay

Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay Gaari Nooha ah oo ay saarneyd Khamri dhan 487 dhalo ah, ayadoo Ragi watayna la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxayna ciidanku nabad-galyadu Ballan qaadeen inay sii wadi doonaan hawl-galada lagu sugayo amniga.

Goobta lagu soo bandhigay khamriga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug Gaashaanle Dhexe Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) iyo Sarakiil kale oo ka tirsan qeybta Gobolka.

Booliska ayaa dadweynaha ugu baaqay inay la soo wadaagaan haddii ay arkaan falal nabad-galyada iyo Anshaxa ka dhan, islamarkaana ay degdeg ula xariiraan tirsiyada isgaarsiineed ee laamaha nabad-galyada.

Khamriga ayaa kamid ah maandooriyaasha ugu halista badan ee soohdimaha isaga gudba, islamarkaana Soomaaliya sida sharci darrada ah loo soo geliyo, ayadoo si qarsoodi ah looga ganacsado, nolosha bulshada iyo nabad-galyada guudna uu halis ku yahay.