U bood dhigaalka

Howlgal Ka Dhacay Shabeellaha Hoose oo Lagu Dilay Xubno Shabaab Ka Tirsan

Howlgal sifeyn ah oo maanta ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay in ka badan 10 Shabaab iyo horjoogayaal ah oo ka tirsanaa Shabaab, iyadoo tiro intaas ka badan lagu dhaawacay howlgalka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in howlgalkaan uu sii socon doono.

Howlgalka ayaa maanta ka dhacay deegaanka Nuur-Gare oo u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana gobolkaas ka socda howlgallo ka dhan ah Shabaab ku dhuumaaleysata deegaanada fog-fog ee Sh/Hoose.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa shalay ku guuleystay inay Shabaab ka soo badbaadiyaan ku dhowaad 20 gaari oo madax-furasho u heysteen iyo sidoo kale waxaa jira dhagarqabayaal lagu qabtay howlgalka ka socda Sh/Hoose, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.