U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Guutada 9-aad oo Ka Shiray Darargelinta Amniga Baaqna u Diray Dadka Shacabka ah

Taliyaha guutada 9-aad Gaashanle Yuunis aadan Xasan uu wehliyo Abaandulaha guutada 9-aad Kabtaan Cilmi Aadan Isxaaq ayaa manta kulan deg deg ah oo ku saabsan dardar-gelinta howlaha hortabinta u leh Ciidamada uu la qaatay dhammaan Saraakiisha iyo Saraakiil Kuxigeenada guutada 9-aad.

Kulanka uu Taliyaha guutada uu Saraakiisha la qaatay ayaa warbixino laga dhegeystay taliye ururada guutada 9-aad waxaana uu sarkaal kasta la faray In uu waajibka qaran uu ka soo baxo.

Sidoo kale Inta Kulanka socday ayaa waxay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed baaq u direen dadka shacabka ah oo xilliyada munaasabka ahayn xeriyaha wareega inay ka fooojignaadaan.

Guutadan ayaa ka howlgala deegaanada koofur galbeed gaar ahaan gobolka Bakool, waxayna ku jiraan howllo ka dhan ah kooxda Alshabaab, ayadoo lagu wado inuu dhowaan billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.