U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Lacag u Ballanqaaday Askarigii Soo Dila Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray degmada Al-Kowthar iyo deegaanka Daarunicma ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo hoggaamiyaasha Ciidanka deegaanka ee macawiisleyda.

Taliyaha ayaa khudbad dhiirigelin ah u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aaga hore ee degmada Al-kowthar iyo deegaanka Daaru-nicma ee gobolka Sh/Dhexe.

Sidoo kale Taliye Dayax Cabdi Cabdulle ayaa balanqaad uu ka siday madaxda sare ee Dalka la wadaagay dhiiranayaasha dhaxanta u taagan difaaca qaranka, waxaana uu u sheegay in cid kasta oo soo disha dhagarqabe Alshabaab ah la gudoonsii doono lacag dhan 5kun oo Doolar, halka loo qiimey doono agabka ay kasoo furtaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka kula dardaarmay in lasii laba jibaaro howlgalada ka dhanka ah Kooxda Alshabaab.