U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Tirsan Xoogga Dalka oo Tababar Aqoon Kororsi ah Loogu Qabatay Baledweyne

Sheeko:Waxbarashada

Hoggaanka isku xirka shacabka iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee (CIMIC) ayaa tababar aqoon kororsi ah magaalada beledwayne uga furay qaar kamida saraakiisha iyo saraakiil xigeenada hoggaanimta ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed .

Tababarkaan ayaa saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaybta lagu barayaa sidii ay ula fal geli lahaayeen shacabka ku dhaqan deegaanada laga xuraynayo khawaarijta ,maadaama argagagexisadu dhibaatooyin badan ay ka geestaan deeganaada ay kaga dhuumaalaystaan gobolada dalka .

Tababarkaan ayaa sidoo kale ah mid saraakiisha lagu barayo sidii ciidanka ay u gaarsiin lahaayeen la dhaqanka shacabka iyo u gar gaarida rayidka tabaaladu ka gaarto falalka guracan ee argagexisada naf la’caariga ah .

Taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed oo wada howlgallada sifaynta ee dalka looga saarayo khawaarijta ayaa dhinaca kalena garab wada dadaalo ku aadan barida saraakiisha iyo ciidankaba la tacaamulida shacabka ay u dhaarteen ,waxa uuna hooggaanka isku xirka shacabka iyo ciidanka oo qaabilsan buuxinta kaalintaan wadaa dar dark u aadan howlaha isku xirka shacabka iyo ciidanka xoogga dlka soomaaliyeed.