U bood dhigaalka

Turkiga oo Si Adag u Cambaareeyay Weerar Israel ay Ku Qaaday Goob Iskuul ah Gudaha Gaza

Dowladda turkiga ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii ay Israa’iil ku dishay ku dhawaad 30 qof oo goob iskuul ah gabaadsanayay, kuwaas oo duqeyn aan loo meel dayin lagu xasuuqay gudaha Falastiin oo siweyn loogu cambaareeyay.

War qoraal ah oo ay soo saartay
Wasaaradda arrimaha dibadda Turkigu ayay dowladdu ku muujisay sida ay uga xun tahay weerarka Israa’iil ay ku qaadday iskuul ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Khan Yuunis.

Bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu yiri “Waxaan cambaareyneynaa gumaadka ay Israa’iil ku dishay tobannaan qof oo rayid ah oo aan waxba galabsan oo lagu duqeeyay iskuulka ay gabaad ka dhiganayeen ee ku yaalla magaalada Khan Yunis ee marinka Qasa.”

Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in Helitaanka xabaalo-wadareedyo laga helay Khan Yuunis iyo beegsiga 4 dugsi ee halkaas ku yaalla ee afartii maalmood ee la soo dhaafay la weeraray ay caddayn la taaban karo u tahay in Israa’iil ay doonayso inay si buuxda u baabi’iso dadka reer Falastiin ee marinka Qasa.

Duullaanka maamulka Israa’iil iyo duqeymaha arran darrada ah ee Qasa ayaa socda bishii 10-aad oo xariir ah, ayadoo tirada dhimashada Falastiiniyiintu ay 40 kun ku dhowdahay, Israa’iilna ay saraakiil badan ku wayday illaa haddana aanay wax guul ah ka gaarin markii laga reebo gumaadka rayidka aan waxba galabsan.