U bood dhigaalka

Wasiirka Waxbarashada oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Socda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir

Sheeko:Waxbarashada

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ,Hiddaha, iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Shiikh Cabdulqaadir ayaa xaafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Xubnahan oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Mudane Cabdulqaadir Maxamed Xasan ayaa wasiirka la wadaagay tallooyin lagu horumarinaayo waxbarashada hoose ee Gobolka Banaadir, ayaga oo bogaadiyay dedaallada Wasaaradda Waxbarashada ee horumarinta iyo baahinta waxbarashada dalka.

Kulanka Wasiirka iyo Midowga Digsiyada Gobolka Banaadir waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar, waxayna uga mahadceliyeen Madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir kaalinta mugga leh ee ay ka gaystaan horumarinta waxbarashada Dalka.