U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Guddi Baaris ah u Magacaabay Hubkii Lagu Qabsaday Cabudwaaq

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo kasoo talo bixiya dhacdadii ka dhacday Degmada Caabudwaaq ee Dowlad Goboleedka Galmudug ee hubka badani dadweynaha ugu gacan galay.

Guddoomiyaha ayaa faray guddigan inay si dhab ah ugu kuurgalaan hubkii ay dhowaan dadweynaha Caabudwaaq gacanta ku dhigeen iyo dadkii shaqaaqadaas ku dhintay, islamarkaana ay warbixin sax ah oo arrintaas ku saabsan golaha Shacabka hor keenaan.


15-kii bishan ayay ahayd markii dadka deegaanka Caabudwaaq ay la wareegeen gaadiid hubsaday oo ka yimid dhinaca Itoobiya, waxaana israsaasayn halkaas ka dhacay ku dhintay badan oo isugu jira ciidan iyo dablay deegaanka ah.