U bood dhigaalka

Ciidanka Amniga oo Toogtay Xubin La Sheegay in uu Ka Tirsanaa Shabaab

Ciidamada XDS ee ku sugan Magaalada Mesagawey ee Gobalka Galgaduud ayaa saaka Toogtay xubin la sheegay in uu ka tirsanaa Shabaab kaasoo oo saakay lagu qabtay kontaroolka Magaalada Mesagawey.

Ninka la toogtay ayaa watay qoray AK-47 ah waxaana hada Maydkiisu yaalaa barxadda Magaalada Mesagawey.

Ciidanka Amniga ayaa sheegay in ninkan uu doonayay in uu beegsado Ciidanka Amniga, islamarkaana uu diiday in uu is dhiibo.

Dhinaca kale ciidamada ayaa qabtay 3 gaari oo nuuca layla calaawi ah oo shidaal u waday ururka Shabaab.

Shidaalka ayaa lagu qabtay deegaanka Xuseen cagey.

Gawaarida ayaa waxaa saarnaa sidoo kale dumar la sheegay in ay u socdeen Shabaab.