U bood dhigaalka

Puntland oo Sheegtay Iney Soo Qabatay Ninkii Dilay Macallin Cabdiraxmaan

Sheeko:Waxbarashada

Cabdiraxmaan Muuse Ducaale oo bare ka ahaa dugsiga hoose iyo dhexe ee Seemade ayaa lagu dilay deegaanka Seemade, degmada Jariiban ee gobolka Mudug, macalinka ayaa ahaa shakhsi aad deegaanka looga jeclaa.

Nin ku hubeysnaa AK47 ayaa dilay Marxuumka, xilli uu ku sii jeeday Masaajidka deegaanka oo uu shalay khudbadii Jimcaha ka jeedin lahaa, macalinkaan ayaa kasoo jeeday gobolka Awdal ee deegaannada Gobollada Waqooyi.

Ninkii dilay Macalin Cabdiraxmaan Muuse Ducaale ayaa gacanta lagu dhigay sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug oo ka hadlayay kulan ay saaka isugu yimaadeen maamulka waxbarashada iyo macalimiinta gobolka Mudug.

Laamaha amaanka gobolka Mudug iyo dadka deegaanka Seemade ayaa la sheegay in ay iska kaashadeen in gacanta lagu dhigo, xilli isku dayay in uu baxsado.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo marsiin doono ninkaan.

Macalinka ayaa ahaa nin si weyn deegaanka waxbarashadiisa loogu yaqaanay. wuxuu ka yimid markii Magaalada Boorame oo uu wax kusoo bartay deegaan ahaana uu kasoo jeedo.