U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukin Lix Bilood oo Xarig ah Ku Ridday Gabdho Tiktok Caan ka ah

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwad loo heystay dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kuwaas oo ku eedeysanaa kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumada.

Dacwadda oo dhameysatay heerarka kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal gabdhood ayaa toddoba ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda.

Goor dhow ayaana maxkamaddu ku dhawaaqday xukunka dhallinyaradaaas lagu riday oo si weyn isha loogu hayay maadaamo ay muddo xirnaayeen, falalka loo haystaani ay yihiin kuwo anshax xumo la xariira.