U bood dhigaalka

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Cambaareeyay Weerarkii Lagu Qaaday Xeebta Liido

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres ayaa si kulul u cambaareynayay weerarkii qaraxa ku billowday ee Jimcihii ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, wuxuuna tacsi u diray qoysaska dadkii Ku geeriyooday.

Guterres ayaa wax aad aad looga xumaado ku tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay weli dhibanayaal u yihiin falalkaas foosha xun ee argagixisada ah, wuxuuna ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay si adag u garabtaagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo ka hortagaya argagixisada iyo xagjirnimada rabshada ah.

Qaraxii ka dhacay xeebta Liido habeenimadii jimcadu sii baxaysay ayaa galaaftay nolosha ku dhowaad 40 qof, halka dhaawacuna uu boqol sare u dhaafay, wuxuuna ahaa mid kamida weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee sanadahan dalka ka dhaca.