U bood dhigaalka

Ciidanka Nabad Sugidda oo Gacanta Ku Dhigay Rag Ka Tirsan Shabaab oo Miino Duugayay

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen ku soo qabtay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo la sheegay inay miinooyin aasayeen kolkii gacanta lagu soo dhigey, sida ay sheegeen laamaha nabad-galyadu.

Ciidanka Hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka ayaan faahfaahin dheeraada ka bixin goobta raggaan laga soo qabtay, balse qoraal masariradda 4 nin oo dhallinyaro ahi la socdaan ayaa lagu baahiyay warbaahinta dowladda iyo mareega ay ciidamada qalabka sidaasi adeegsadaan ee baraha bulshad

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmo ka hor qarax lagu hoobtay uu ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, islamarkaana ay saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada dhex wareegayeen farriimo digniin ah oo la xariira weerro qaraxyo ah oo magaalada Muqdisho looga cabsi qabo.