U bood dhigaalka

Hay’adaha gargaarka oo ka dayrinaya xaaladda Suudaan.

Ayadoo colaadda Suudaan ay sanadkii labaad holcayso, islamarkaana inta badan gobollada dalkaas ay dagaallo ba’ani ka socdaan ayaa waxaa arrintaas ka dhacay dhibaatooyin baaxad leh iyo xaalado adag oo ka dhanka bini’aadamtinimada ah.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in xannuunka daacuunk oo kamida caabuqyo dalkaas ka dillaacay ay u dhinteen in ka badan 300 oo qof, sida uu ku waramay sarkaal ka tirsan hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Sargaalkan oo lagu magacaabo Margaret Harris ayaa sheegtay Jimcihii in 11,327 xaaladood oo daacuun ah iyo 316 dhimasho ah la soo wariyay, islamarkaana halista cudurkaasi ay ka jirto dalkaas.

Hay’adaha gargaarka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in wax ka badan kala bar dadka Suudaan ay cudurro iyo gaajo la ildaranyihiin, taas oo ah saameynta dagaalka u dhexeeya militariga iyo fallaagada RSF.

Goobjoog.com