U bood dhigaalka

Qarax ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qaraxa ka dhacay bar ay ciidanka amniga ay ku baaraan Gaadiidka oo ku taalla degmada Kaxda gaar ahaan waaxda Cumar Fiyaasko.

Qaraxa ayaa la sheegay in gaariga Qaraxa siday uu isku dayay in uu galo xerada ciidanka, waxaase halkaas ku go’naa gaari Cabdi Bille oo difaac u ahaa in aan xerada la gelin.

Ciidanka Amniga ayaa xaqiijiyay in ay jiraan khasaare isugu jira dhimasho dhaawac oo ka dhashay Qaraxa.

Goobta uu ka qaraxa ka dhacay ayaa saaran wadada dheer ee Macaani.

Ciidamada ayaa xiray wadooyinka iyaga oo adkeeyay amniga goobta ay wax ka dhaceen.

kala soco Goobjoognews.com wixii kusoo kordha Qaraxa.