U bood dhigaalka

Warbixin: maxaa kulmiyay canshuurta iibka iyo qarxinta suuqyada ?

Bartamihii hore ee agoosto dowlada fedaraalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Maaaliyaddu waxay hirgelisay canshuuraha iibka oo ah qidmad laga qaadayo dadka alaabaha iibsanaya, islamarkaana lacagta ku diraya akoonada ganacsi ee loo yaqaanno merchanta.

Maalmo yar ka dib hirgelintii canshuurtaas waxaa dab la qabadsiiyay qeyb kamida suuqa deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka magaalada muqdisho, waxaana ka dhashay burbur hantiyeed oo baaxad leh, sababta gubashada suuqaas ayaana lagu sheegay qaraxa ay kooxda Alshabaab ku xireen.

Sidoo 31 bishii agoosto waxaa gubtay suuqa deegaanka tabeelaha Shiikh Ibraahim iyo xaafado ka ag dhowaa, waxaana la sheegay in qarax ay Alshabaab ku rakibeen qeyb suuqa kamid ahi ay horseeday gubashada xarumo ganacsi iyo guryo deegaaka oo halkaas ku yaallay.

Dad xog ogaal ah oo ku nool deegaanada ceelasha biyaha iyo Tabeelaha oo la hadlay goobjoog news ayaa sheegay in gubidda suuqa ceelasha biyuhu ay ka dhalatay kaamirooyin ay laamaha nabad-gelyado amreen in halkaas lagu xiro, islamarkaana ay ganacsatada qaarkood xarumohooda ku xireen, ka dibna ay kooxda Alshabaab si lama filaan ah aaggaas oo dhan u qarxiyeen.

Tillaabadan ayay xeeldheereyaasha arrimaha ammaanku ku fasireen in mid ay Kooxda Alshabaab uga hortagayso in qalabka kaamerooyinka nabad-gelyada caasimadda wax weyn ka badelay deegaanada kale dalka laga hirgeliyo, balse waxa isku soo beegay dhaqan-galka canshuuraha iibka iyo gubidda suuqyadan ayaa ah layli jawaab u baahan.