U bood dhigaalka

Xeerilaalinta Soomaaliya oo soo xirtay Mas’uul ka tirsan Shirkadda Favori

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay Madaxii Shaqada iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Favori oo u dhashay dalka Turkiga.

Ninkaas ayaa ku eedeysan inuu ku xad-gudbay xeerka shaqada, dhaqanka suuban iyo ku takrifal awoodeed oo muwaadiniin Soomaaliyeed uu kula kacay.

WAR-SAXAAFADEED

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu soo xiray horgeeyayna Maxkamadda Gobolka Eedaysane Mr. ERTUGRUL KARAFIYELI oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Shirkadda Favori, ahna muwaadin u dhashay dalka Turkiga.

Eedaysanaha ayaa loo haystaa faldambiyeedyo kala ah anshax xumo, handadaad, xadgudub iyo tagrifal awoodeed oo uu ku sameeyay mu- waadiniin Soomaali ah oo ka shaqeynayay Shirkadda Favori oo uu si kab- axsan Xeerka Shaqada iyo Dhaqanka suubban kula kacay.

Maxkamadda ayaa markii ay ku qanacday cadaymaha hordhaca ah ee uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka u gudbisay eed- aysanaha Xabsi ku hayn ku meel gaar ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu bilaabi doonaa dha- maystirka Maxkamadaynta eedaysanaha.