U bood dhigaalka

Anshaxa warbaahintu ma oggolyahay in la faafiyo Siraha Ciidamada iyo xogaha nabad-gelyado ee xasaasiga ah ?

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsatay hadal-hayn xooggan oo ku saabsan saanadda Ciidan oo la sheegay in dowladdu ay dekedda muqdisho ka soo degsatay, ayadoo mareegaha internet-ka si weyn loogu faallaynayay arrintaas.

Sidoo kale maalmo ka hor waxay Warbaahintu aad u fallanqaynaysay hub la sheegay in dowlad gobololeedka Puntland ay ka keensatay dhinaca dalka Itoobiya, kaas ay dablay reer miyi ahi isku dayeen inay jid-gooyo u dhigtaan, balse dagaal ba’an ka dib gacanta maamulka si buuxda u galay.

Hubkani wuxuu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo Itoobiya ay ku howlantahay falal gardarro ah iyo tillaabooyin gef ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, sidaa darteed fallanqayntiisu waa shaqo muhiim ah oo tooshka ku ifinaysa halistiisa, balse saanadda sharciga ah iyo qorsheyaasha ciidanku waa sir aan faafinteeda la oggolayn.

Waxyaabaha Warbaahinta ka reeban ee anshaxeeda gundhigga u ah, waxaa ugu horreeya baahinta xogaha xasaasiga ah ee nabad-gelyada la xariira, gaar ahaan arrimaha ciidamada, tiradooda, saanadda ay haystaan, Waxyaabaha ay qorshaynayaan, iyo dhaqdhaqaaqooda ku saabsan howl aan faahfaahin loo rabin.

Dalalka caalamka intooda badan waxaa ka jirta Warbaanhin madax-bannaan oo awood u leh inay gudbiso xog kasta oo dhageysteyaasheeda, daawadeyaasheeda, ama akhristeyaasheedu ay xiisaynayaan, balse arrimaha militarigu kuma jiraan waxyaabaha ay Saxaafaddu si wararka caadiga ah u tebin karto.

Waa run wararka ku saabsan Ciidamadu gebi ahaan mamnuuca kama aha warbaahinta, balse siraha qarsoon ee la xariira Saldhigyada militari, warshadaha hubka, duullaamada aan weli la qaadin, iyo xogaha kale ee oggaalkoodu cadowga danta u yahay faafintoodu saxaafadda way ka reebantahay.

Sidoo xogaha Ciidan ee cadowga iyo kuwa dalku uma sinna warbaahinta oo midda gudaha inay ilaaliso ayaa ah masuuliyad lama dhaafaan ah, balse xilligan baraha bulshada iyo guud ahaan hannaanka Warfaafineed ee Soomaaliya ka jira wax waliba caadi ayay u yihiin, xogaha xasaasiga ah iyo dhacdooyinka kale ma kala saaraan.

Faafinta siraha qaranka, gaar ahaan kuwa ku saabsan arrimaha nabad-gelyada iyo ciidamadu waa fal-dembiyeed cinqaab adag oo xarig iyo ganaax isugu jirta lagu mudaysto markii la joogo dalalka sharcigoodu taliyo, balse Soomaaliya oo ka soo kabanaysa dagaallo sokeeye iyo burbur dowladnimo waxaa lama huraan ah in dib u dhiskeeda laga ilaaliyo waxyaabaha halis ah oo cadowgu maja-xaabinteeda u adeegsan karo.