U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo khodbad ka jeediyay kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa khodbad dheer ka jeediyay kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, asagoo ka hadlay arrimo dhowr oo ay ku jiraan hormarka ay dowladdu gaartay ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyo dowlad wanaagga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladdu sannadihii la soo dhaafay ku tillaabsatay hormar baxaad leh oo dhinaca dhaqaalaha ah, asagoo tusaale u soo qaatay kororka dakhliga gudaha deyn cafintii ka dib iyo ku biirista ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo is dhexgalka bulshada bariga Afrika, wuxuuna maalgashadayaasha ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadaha Soomaaliya ka jira.

Dhinaca dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in labadii sano ee la soo dhaafay ay ciidamada dowladdu guulo waaweyn ka soo hooyeen, islamarkaana ay degmooyin iyo deegaanno badan badan ka saareen kooxda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii hadal-jeedintiisa ku jiray si kulul u wareeray maamulka Abii Axmed, asagoo sheegay in Itoobiya ayadoo la dagaallanka argagixisada ku soo gambanaysa ay fara-gelin iyo xadgudub ku hayso madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dekedaha Soomaaliya ay u furanyihiin ganacsi kasta oo sharci ah, balse aan la aqbali karin damaca foosha xun ee Addis Ababa ay waddo.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in Hay’ adaha Qaramada Midoobay wax laga badelo si ay ula jaanqaado siyaasad Juquraafiyadeedyada cusub ee dunida iyo xaaladaha taagan, asagoo tilmaamay in Soomaaliya ay kursiga golaha ammaanka u adeegsan doonto wax ka qabashada xasradaha dunida ka jira iyo hagaajinta iskaashiga caalamiga ah.