U bood dhigaalka

Maxay wasaaradda waxbarashada XFS ka tiri Macallimiintii dhowaan dibedbaxyada ka dhigay magaalada Muqdisho?

Sheeko:Waxbarashada

Ayadoo ay dhowaan magaalada Muqdisho bannaanbaxyo ka dhigeen bareyaal ka howgalayay dugsiyada ay dowladdu maamusho oo sheegay in shaqada laga eryay, islamarkaana badelkooda Macallimiin cusub loo qaatay ayaa waxaa arrintaas si faahfaahsan uga hadashay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo barbaarinta Wasaaradda Waxbarashada XFS Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa sheegay in shaqa ka joojinta bareyaashaas ay sabab u ahayd in mashruucii ay ku howlgalayeeni uu dhammaaday, islamarkaana ay diideen inay tartan u galaan wajigii labaad qaadashada seddaxda kun ee macallin si ay mar kale fursad u helaan.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruuca ay bareyaashaasi ku howgalayeen oo lagu magacaabi jirey RCRF uu ahaa mid ballaaran oo wasaaradaha badan shaqaalohooda qaar kamid ahi ay ku shaqaynayeen, islamarkaana dhammaantood uu saameeyay.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in bareyaasha hannaankaas ku shaqaynayay ay ahaayeen in ka badan 1660 macallin oo ku kala sugan magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka, kuwaas oo ku dhawaad sanad ka hor lagu wargeliyay in mashruuca ay ku shaqaynayaani uu bilo ka dib dhammaanayo, islamarkaana ay u furantahay inay ka qeyb-galaan imtixaanka Seddexda kunoo macallin ay wasaaraddu ku qaadanayso, balse ay diideen.

Si kastaba ha ahaatee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in xalka kaliya ee ay Macallimiintaas u hayaani ay tahay inay  shaqada dib u soo codsadaan oo ay imtixaan galaan, ayadoo intaa ku dartay qaar kamid ahi ay imtixaankii dhowaan la qaaday ay u fariisteen oo hadda ay shaqeeyaan.