U bood dhigaalka

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo helay deeq waxbarasho oo Serbia lagu soo dhaweeyay

Sheeko:Waxbarashada

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade-Serbia ayaa waxaa ay si buuxda u soo dhaweysay tiro arday ah oo Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeqda waxbarashadda Dowladda Serbia ay siisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Deeqdan waxbarasho ee loo yaqaano “WORLD IN SERBIA” ayaa ku timid ka dib, dib u xoojin heer sare ah oo lagu sameyey xiriirka labadda dal ee sida xowliga u socda iyo kaalinta wanaagsan ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Magaaladda Belgrade ay ka cayaareyso xiriir wanaagan ee labada dal.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si buuxda uga mahad celisay fursada qaaliga ah ee siiyay dhalinyaradda mustaqbalka Soomaaliyeed oo wax ku baran doona mid ka mid ah dalalka reer Yurub.

Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade ayaa mar walba u taagan xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo fulinta danaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa u Mahadcelinayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya fududeynta fursadan tacliimeed.

Sidoo kale Danjiraha ayaa u rajeynaya dhalinyaradda fursadda u heley fursadda waxbarasho iyo tijaabinta nasiibkoodda.