Wareeggii saddexaad ee wadahallada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo Ankara ka furmaya
Sheeko:War
Madaxwaynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip ErdoΔan.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa
Ankara u tagay ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goβan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelineysay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.