U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ballanqaaday in dowladdu ay tillaabo adag ka qaadi doonto masuul walba oo ku xadgudba xaquuqda dumarka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin Xukuumadda, dhawaana ay heli ka heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Mudane Xamsa, ayaa hoosta ka xarriiqay in uusan xil ka hayn doonin Xukuumadda DanQaran, masuul walba oo ku xadgudba xaquuqda dumarka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in xukuumaddu ay ansixisay sharciyadii lagu ilaalinayey xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, oo xusay kaalinta ay haweenku ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo tayeynta hey’addaha Qaranka, ayaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka laga qabanayo, si ay u soo doortaan dumarkooda aqoonta leh ee wax u taraya dalka.

“Haweenku waa laf-dhabarta Qarankeennu ku tiirsanaa waqtiyo adag oo la soo maray, sidaas awgeed, waxaan doonaya in aan u mahadceliyo, kuna dhiirrigeliyo dedaalkooda naf-hurnimada ah iyo shaqada culus ee ay dalkooda u hayaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed kaalintooda muhiimka ah ee ku aaddan dowlad-dhiska, ayaa  ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay fursad siiyaan haweenka aqoonta leh, si kor loogu qaado shaqo abuurka iyo awoodsiinta dumar.