Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la kordhiyay maaddooyinkii ay imtixaanka ku gali jireen ardayda dugsiga sare
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/09082632/fasalka12aad-natiijo.jpg)
Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la kordhiyay maaddooyinkii ay ardayda fasalka 12-aad ee dugsiga sare ku gali jireen imtixaanka shahaadiga ah, kuwaas oo horay u ahaa 11 maaddo.
Wasaaradda ayaa sheegtay in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga la sare laga billaabo sanadkan lagu kordhiyay maadada ganacsiga oo horay dugsiyada loogu dhigan jirey, balse aan imtixaanka qaranka ku jirin.
Wadarta guud ee maaddooyinka imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ayaa hadda noqanaya 12 maaddo, oo kala ah Af-soomaaliga, Tarbiyada, Carabiga, Xisaabta, Ingiriiska, Taariikhda, Juuquraafiga, Kamistariga, Bay’oolajiga, Fisigiska, Tiknoolojiyadda, iyo ganacsiga.
Maadada ayaa muhiim u ah dalka, markii la eego kobcinta ila dhaqaalaha, gaar ahaan ganacsiga oo lafdhabar u ah nolosha bulshada Soomaaliyeed, balse ardayda horay uma xiisayn jirin, maadaama aysan qeyb ka ahayn imtixaanka shahaadiga ah.