U bood dhigaalka

Ciidanka Puntland oo Daacish kala wareegay deegaano cusub

Ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay deegaanno ku yaalla inta u dhexaysa Tasjiic iyo Xabley, iyaga oo la wareegay tuulooyin ay horey ugu sugnaayeen Kooxda Daacish .

Deegaannada ay ciidamadu la wareegeen waxaa ka mid ah Darayle, Gambara, Dhaban-Gooxle iyo Dul.

Howlgalkan oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo sugidda xasilloonida, ayaa ujeedkiisu ahaa in laga takhaluso kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya dhulka miyiga ah.

Ciidamada Puntland ayaa sii wada dhaq-dhaqaaqyada ay ku beegsanayaan firxadka Daacish, iyagoo guulo ka gaaray howlgalladii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo horay uga mid ahaa goobaha ay kooxahaasi isku uruursan jireen.