Safaaradda Mareykanka oo beenisay in shaqaallaheeda ay kala baxday Muqdisho

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa beenisay wararka sheegaya in ay bilowday daadgureynta shaqaalaheeda sababo la xiriira cabsi amni oo ka jirta caasimadda Soomaaliya.
Safaaradda ayaa ku tilmaamtay wararkaas kuwo aan sal iyo raad lahayn. Si kastaba ha ahaatee, safaaraddu waxay dhowaan soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay inay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara” gudaha dalka.
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in Mareykanku uu la baxay shaqaalihiisa ku sugnaa Muqdisho, kadib markii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu noqday furin dagaal oo kaabiga u saaran xerada Xalane, halkaas oo ay ku sugan yihiin waddamada caalamka. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in amniga Muqdisho uu faraha ka baxay, taasoo keentay in aan halkaas lagu qaban karin doorasho qof iyo cod ah.
Waana sababta keentay in Safaaradda ay jawaab ka bixiso hadallada Mucaaradka.
Amniga magaalada Muqdisho ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay gaaray heerkii ugu sareeyay ka dib markii Dowladda Soomaaliya ay hoos u dhigtay qaraxyaddii iyo dilalkii ay geysan jireen kooxda Shabaab.