Haweenka dalka Namibia oo qabtay 3-da xil ee dalkaas ugu sarraysa

Haweenka dalka Namibia ayaa hadda haya saddexda jago ee ugu sarreeya dowladda, ka dib doorashadii madaxtinimo oo ay ku guulaysatay madaxweyne Netumbo Nandi-Ndaitwah.
Madaxweyne Nandi-Ndaitwah oo 64-jir ah ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka u noqatay Lucia Witbooi, halka afhayeenka baarlamaanka qaranka loo doortay Saara Kuugongelwa-Amadhila, taas oo ka dhigan in saddexda kursi ee ugu sarreeya qaab dhismeedka siyaasadda Namibia ay dumar ku fadhiyaan.
Tani waxay Namibia ka dhigeysaa dalka keliya ee Afrikaan ah oo leh haweeney madaxweyne, madaxweyne ku xigeen iyo afhayeenka baarlamaanka oo wada haween ah, ayadoo Kuugongelwa-Amadhila ay taariikhda gashay in ay noqoto haweenaydii ugu horaysay ee xilka afhayeenimo qabata ee Baarlamaanka dalkaas.
Dhanka kale 14-ka wasiir ee la dhaariyay ayaa 8 ka mid ahi ay yihiin haween, halka 7 kale ay heystaan xilal wasiir ku xigeen, waxayna arrintani si weyn u soo jiidatay dareenka haweenka afrika, gaar ahaan kuwa Namibia oo hamigooda ka qeyb-galka siyaasaddu halkii ugu sarreysay gaaray.