U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay geerida Jeneraal Sheegow

Xilli saacado ka hor uu magaalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Digfeer ku geeriyooday Sheegow Axmed Cali oo ahaa sargaal horay uga tarsanaa ciidamada qalabka sida, balse muddooyinkii dembe maxbuus ahaa ayaa waxaa dhimashadiisa ka warbixisay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Federalka Soomaaliya DR. Cali Xaaji oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in marxuumku uu muddooyinkanba la ildarnaa xanuun dhinaca beerka ah oo dhawr jeer loo geeyay isbitaal, balse ugu dembeyn sababay geeridiisa.

Xanuunka cagaarshowga oo heerkii ugu dambeeyay ku gaaray, islamarkaana shaqadii beerkiisa meesha ka saaray ayuu wasiirku sheegay inuu keenay dhimashada Sheegow Axmed Cali oo siyaasiyiinta qaar ay dowladda ku dhaliileen in daryeel xumo uu la kulmay.

Sheegow Axmed Cali iyo ciidan ilaalo u ahaa ayaa xabsiga loo taxaabay sanadkii 2023, ayadoo lagu eedeeyay inay ku luglahaayeen falal burcadnimo ah iyo iska hor imaad ay la galeen xoogagga ammaanka.