DEG DEG: Wariye lagu xiray Saldhigga Booliska Degmada Xamarweyne
Sheeko:War

Muqdisho – Waxaa goor dhow la xiray Agaasime ku-xigeenka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, Wariye Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane, kadib markii looga yeeray Saldhigga Booliska Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Xarigga Wariyaha ayaa la xiriira wareysi uu dhawaan siiyay Guddoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed, Cabdiraxmaan Suleymaan, kaas oo isna haatan ku xiran gacanta booliska. Lama faahfaahin sababta rasmiga ah ee wareysigaas keentay xariggan, balse arrintu waxay dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan cadaadiska lagu hayo saxaafadda madaxa bannaan.
Maamulka warbaahinta Shabelle ayaa xaqiijiyay xariga wariyaha. Waxa ay sheegeen in su’aallo weydiin loogu wacay ka dibna la xiray.