Ciidamada Deegaanka Mabaax oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa weerar qorsheysan galabta Maqribkii ku qaaday koox Al-Shabaab ah oo isku uruursatay aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan lagu gaarsiiyey Alshabaab.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta u sheegay in xubno badan ay ku dileen howlgalka oo sidii loo qorsheeyey u dhacay, isla markaana ay ku guuleysteen inay ka hortagaan falal ay kooxdaasi maleegayeen.
Waxaa socota qiimeynta khasaaraha Kooxda Alshabaab lagu gaarsiiyey howlgalkaan caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal, waxayna saraakiishu noo sheegeen in meydad badan ay yaallaan goobta.
Wixii ka soo kordha howlgalkaas kala soco Warbaahinta goobjoog