Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay xilliga rasmiga ah ee la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhexe ee Gobolka Banaadir sannad dugsiyeedka 2025/26.
Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed, ayaa sheegay in sannadkan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhexe ee Gobolka Banaadir la qaadi doona 15ka ilaa 18ka Juun 2026.
Imtixaankan oo ay sannadkii hore u fadhiistay afartan iyo kow kun, toddobaatan iyo lix arday, waxaana gudbay soddon iyo labo kun, labo boqol lixdan iyo saddex arday oo ka mid ah; halka labo kun, siddeed boqol toban iyo saddex ardayna ay hareen.
Imtixaankan waxaa u fadhiisan doona ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Banaadir, kuwaas oo wax soo baranayay muddo siddeed sano ah, kuna hammi weyn in ay heer wacan ka gaaraan waxbarashada. Sidoo kale, waxaa la filayaa in ay kororto tirada ardayda u fadhiisan doona sannadkan marka loo eego sannadkii tegay.