Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal muhiim u ahaa Al-shabaab, kuwaas oo ka kala dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanka Ugunji ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgal dhacay 19-kii bishan inta u dhaxeysa deegaanka Kuunyo Barrow iyo degmada Jilib, waxaa lagu khaarijiyay horjooge Cabdixamiid Cali Cabdullaahi Macalin, oo ahaa ninkii u qaabilsanaa Al-shabaab xiriirka argagixisada caalamiga ah.
Horjoogahan ayaa mas’uul ka ahaa soo gelinta hubka iyo maaddooyinka qaraxyada, isagoo laf-dhabar u ahaa dhagarta iyo weerarrada ay kooxdu ka fuliso dalka.
Sidoo kale, howlgal kale oo 15-kii bishan ka dhacay deegaanka Ugunji ayaa lagu dilay horjooge Suleyman Cumar Fidow, oo loo yaqaannay Faruq iyo magacyo kale.
Horjoogahan ayaa ahaa madaxa naftood-haligeyaasha Al-shabaab, isagoo horey usoo noqday horjoogaha dhinaca sirdoonka.
Waxaa hadda loo diyaarinayay inuu beddelo madaxii qaraxyada iyo marin-habaabinta ee kooxda, Injineer Ismaaciil, oo isna bishii December lagu dilay howlgal qorsheysan.
Howlgalladan is-daba-joogga ah ee lagu beegsanayo horjoogeyaasha sare ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ku wiiqayso awoodda Al-shabaab, iyadoo ujeedku yahay in gebi ahaanba la burburiyo shabakadaha argagixisada ee dalka ku dhuumaaleysanaya.