Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab.
War-saxaafadeedka NISA ayaa lagu sheegay in howlgaladan lagu dilay sagaal dhagarqabe, isla markaana lagu burburiyay lix matoor oo waaweyn oo kooxda u adeegsaneen farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa.
Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ayaa lagu beegsaday xarun ay Khawaarijtu ku diyaarinayeen walxaha qarxa, halkaas oo lagu dilay lix ka mid ah maleeshiyaadka, oo ay ku jireen Horjooge Abiikar Nuur oo mas’uul ka ahaa matoorada iyo gaadiidka, iyo Cabdifaatax Maxamed Xasan oo ahaa makaanik muhiim u ahaa kooxda.
Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey ayaa lagu dilay saddex maleeshiyaad ah, laguna kala diray kooxihii halkaas ku dhuumaaleysanayay, iyadoo la burburiyay gabaadyo ay ku sugnaayeen.