U bood dhigaalka

Ciidanka Qaranka oo 12 Al-Shabaab ah ku dilay Hawlgal ka dhacay Gobolka Baay

Abriil 6, 2026

Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa maanta fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Gasarta, oo u dhexeeya magaalooyinka Baydhabo iyo Daynuunay ee gobolka Baay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay 12 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka tiro kale oo ka mid ah kooxdaas lagu dhaawacay.

Hawlgalka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku burburinayso awoodda Al-Shabaab, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada dalka.

Sidoo kale, Ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamka ayaa muujiyay inay sii wadi doonaan howlgallada noocan oo kale ah si loo ciribtiro khatarta argagixisada loona sugo nabadda iyo xasilloonida dalka.