Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogaha amni ee ay gacan ka geysteen shacabka caasimadda ayaa xalay abaaro 23:40 habeenimo ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan mooto lagu soo raray hoobiyeyaal iyo miinooyin ay Shabaab doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka isla markaana ku qalqal geliyaan amniga caasimadda.
Ciidamada amniga oo hayey xogta dhaqdhaqaaqa cadowga ayaa gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ka fuliyey howlgal ay ku soo qabteen mooto siday ilaa shan hoobiye oo juwaano qudaar ah lagu soo dhex qariyey, taas oo Shabaab ay doonayeen inay si dhuumaaleysi ah ku soo geliyaan gudaha Muqdisho.
Dhagarqabihii waday mootada ayaa isku dayey inuu qarxiyo mootada iyo wixii saarnaa markii uu ogaaday in la qaban rabo, balse ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah uga hortagay falkaas, iyagoo badbaadiyey shacabka iyo hantidooda.
Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay sawirrada hoobiyeyaasha la qabtay iyo mootadii qudaarta siday ee lagu soo dhex qariyey.
Saraakiisha ciidamada ammaanka ee caasimadda Muqdisho ayaa shacabka uga mahadceliyey doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga, iyagoo balan-qaaday in habeen iyo maalin ay u taagan yihiin ilaalinta amniga, badqabka bulshada iyo ka hortagga dhagaraha Shabaab.