U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Taageertay Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Maajo 3, 2026

Howlgalka Kaalmada Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNTMIS, ayaa si rasmi ah u soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qabashada Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

UNTMIS ayaa sheegtay in kulankan uu yahay fursad muhiim ah oo lagu gaari karo xalal waara oo ku saabsan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, iyadoo la xoojinayo wada-hadalka iyo midnimada siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso inay si hufan, daacad ah, isla markaana niyad wanaagsan uga qeyb qaataan wada-hadallada, si loo helo go’aan mideeya shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, UNTMIS ayaa caddeysay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dadaallada ay hoggaaminayaan Soomaalida, si xal waara looga gaaro caqabadaha taagan ee dalka.