U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magacyada ku jira liiska cunaqabateynta maaliyadeed

Maajo 5, 2026

Guddiga Qaranka ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ayaa si rasmi ah u soo bandhigay qayb ka mid ah magacyada ku jira liiska saddexaad ee cunaqabateynta maaliyadeed, kaas oo lagu beegsanayo shaqsiyaad lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Magacyada ilaa hadda laga helay dukumentiyada la shaaciyay waxaa ka mid ah: Hussein Ali Fidow, Abdullahi Hassan Abdi Osoble, Yasiin Weheliye Yasin Weheliye, Abdiqani Tahliil Hirey, Bashiir Abdirahman Handule, Mohamed Yare Moalin Ahmed, Abdullahi Moalim Gedow, iyo Yusuf Sheikh Ise Ahmed Ga’al.

Dadka ku jira liiskan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin ururinta lacago baad ah, cabsi gelinta ganacsatada, abaabulka iyo qaybinta dhaqaalaha Al-Shabaab, iyo falal kale oo halis ku ah amniga iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Guddiga NAMLC ayaa digniin adag u diray hay’adaha maaliyadeed, ganacsatada iyo shacabka, iyagoo ku amray in aysan wax xiriir ah la yeelan karin shaqsiyaadka ku jira liiskan, si looga hortago maalgelinta argagixisada.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojineyso la dagaallanka ilaha dhaqaale ee kooxaha argagixisada, si loo sugo amniga iyo xasilloonida dalka.