U bood dhigaalka

BANNAANBAXYADA MUQDISHO: CASHIR IYO FAALLO

Maajo 11, 2026

Sida caadiga ah, mudaharaadku waa ficil ay shacabku ku muujiyaan arrin ay diiddan yihiin ama ay ka cabanayaan. Dalalka dimuqraadiga ah ficilkaasi waa xuquuq aasaasi ah oo dastuurku dammaanad qaaday, shacabka ayaana xaq u leh inay si nabadgelyo ah u muujiyaan aragtidooda iyo tabashooyinkooda.

Muddaharaadyada waxa aan u kala saari karnaa labo. Muddaharaadyo ay kooxo gaar ah (sida ururrada shaqaalaha, iskaashatooyinka, xirfadleyda, iwm) ku muujinayaan dano ama baahiyo u gooni ah, iyo muddaharaadyo siyaasadeed. Habab dhowr ah oo kala duwan ayay haddaba u dhacaan muddaharaadyada siyaasadeed, qoraalkan kooban ayaanan ku iftiiminaynnaa.

Hab ka mid ah hababkaas waa hab ka jira meelo badan oo dunida ka mid ah, laakiin wuxuu aad uga hanaqaaday dalalka dimuqraadiga ah ee horumay. Habkan, mudaaharaadka waxaa abaabula xisbiyo sharci ah oo leh taageerayaal diiwaangashan oo aragti siyaasadeed kula socda. Xisbiyadaasi waxa ay leeyihiin qaab-dhismeedyo nidaamsan sida xafiisyo, hoggaan heerar kala duwan leh, guddiyo farsamo iyo kuwo joogto ah oo maamula hawlaha xisbiga. Marka xisbigu go’aansado inuu muddaharaad qabto, waxaa si qorshaysan loo abaabulaa kaadiriinta iyo taageerayaasha xisbiga, si loo xaqiijiyo in muddaharaadku u dhaco si nidaamsan oo leh ujeeddo siyaasadeed oo cad.

Hab kale oo ay muddaharaadyada siyaasadeed ku qabsoomaan waa in uu ku dhawaaqo hoggaamiye ruuxi ah (charismatic leader) oo bulshada dhexdeeda ku leh saameyn weyn. Tusaale si fudud loo wada fahmi karo waxaa ah muddahaadyadii uu ku baaqi jiray ruug-caddaagii waqtiga dheer ku soo jiray siyaasadda Kenya, Raila Odinga, kaas oo saameyn weyn ku lahaa qalbiyada iyo dareenka qayb ka mid ah shacabka Kenya. Noocaan, taageerada shacabka waxay inta badan ku salaysan tahay kalsoonida iyo xiriirka shucuureed ee ay la leeyihiin hoggaamiyahooda.

Waxaa, sidoo kale, jira hab kale oo ay mudaaharaadyadu u qabsoomaan kaas oo ah hab kacdoon ah oo ka dhasha caro bulsho oo si lamafilaan ah u qaraxda. Habkan wuxuu ka dhashaa dareen iyo dhibaato muddo dheer bulshada ku dhex jirtay, balse aan si muuqata loo dareemin, ilaa ay dhacdo gaar ahi noqoto dhinbisha hurisa dab hoos ka shidnaa. Marka ay taasi dhacdo, shacabka ayaa si kedis ah u kaca, iyaga oo aan lahayn abaabul iyo qorshe hore.

Haddaba, marka laga yimaado sharaxaadda guud ee noocyada mudaaharaadyada, waxaa muhiim ah in la is waydiiyo dariiqa ay ku socdaan mudaaharaadyada Muqdisho mucaaradku ka abaabulayo. Ma mudaaharaadyo si nidaamsan uga imanaya xisbiyo leh taageero abaabulan iyo qaabdhismeed siyaasadeed oo muuqdaa? Mise waa mudaaharaadyo ku abaabulan farriin ka imanaysa hoggaamiyayaal bulshada dhexdeeda saamayn ku leh? Waa maxay xiriirka dhabta ah ee ka dhexeeya siyaasiyiinta abaabulaya dibadbaxyada iyo bulshada loogu baaqayo inay soo dibad baxaan.

Siyaasadda Soomaaliya, muddo dheer, waxay ahayd mid ay shacabka badankoodu dareemayeen niyadjab iyo kalsoonidarro ay ka quusteen in ay jiraan siyaasiyiin leh awood ay ku keeni karaan isbeddel dhab ah. Sidaas darteed, su’aasha ugu weyn waxay tahay: shacabka ma ku qancsanyihiin siyaasiyiinta dibadbaxa ugu yeeraya inay ka duwan yihiin ama ka waxtar badan yihiin kuwa talada haya? Dabcan jawaabta ay Muqdisho bixisay waa “maya”.

Gabagabadii, mudaaharaad kastaa wuxuu u baahan yahay labo arrimood oo muhiim ah: midda kowaad waa sabab bulsho oo qancisa shacabka iyo tan labaad oo ah hoggaan lagu kalsoonyahay inuu isbeddel waxtar leh horseedi karo. Haddii labadaas arimood midkood maqnaado, waxaa adkaan karta in mudaaharaadku isu beddelo dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo waara oo si dhab ah u matala bulshada.

WQ: Bashiir Maxamed Cali
Falanqeeye siyaasadeed