U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka oo ku eedeysay Maleeshiyaad Taabacsan Laftagareen inay Garab la Yihiin Shabaab

Maajo 15, 2026

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xalay howlgal qorsheysan ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo, kadib weerar gaadmo ah oo ay maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen ciidamo ku sugnaa fariisimo amni.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 50 xubnood oo isugu jiray dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab iyo maleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in la burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxdaasi adeegsaneysay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaantay in weerarka gaadmada ah ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taageersan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo sida ay sheegtay xiriir la leh Al-Shabaab. Dowladda ayaa sheegtay in arrintan ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay tacsi u dirtay qoysaska iyo ehellada askartii ku geeriyootay dagaalka, iyadoo bogaadisay ciidamada dhaawaca iyo kuwa wali ku jira howlgalka difaaca qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo taageero ama garab siin Al-Shabaab ama falal lagu carqaladeynayo amniga dalka.